DAAWO:-Dube dhiigeena ayuu banaystay kamana harayno

1884

Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay qeyb ka mid ah hadal uu Arbacadii warbaahinta u jeediyay wasiirka Warfaafinta Federaalka.

Wuxuu ku eedeyay Madaxweynaha Puntland , Dawladda Federaalka iyo Wasiirka Warfaafinta inay adeegsanayaan hadallo cabsi abuuraya, xilli uu wareysi siinayay telefishinka maxalliga ah ee Dalsan.

“Erayga ah jid iyo jaha diid waxyaabaha aan sheegayay inay cabsi abuurayso qeyb ka mid ah weye, annigu waxaan u dhadhansadey dhiigiina ayaan baneysaneyna oo kale weye waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay oo wasiir Dubbe uu yiraahdo arrin la isaga hari doono ma aha.”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland , waxaa kalo uu ka hadlay arrimo la xiriira shirka Muqdisho ee Dawladda Federaalka ay ku eedeysay inay fashiliyeen labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

“Annaga inuusan burburin ayay si rasmi ah noogu sheegeen, qoraal lagu soo qaaday iyo Dubbe waxa uu sheegay kama jawaabayo qoraal rasmi ah oo lagu leeyahay shirkii ma jiro wali ma heyno, inuu sii socdo ayaan rajeynayna”.

Hadalkan wuxuu imaanaya xilli Khamiistii warsaxaafadeed ay baahisay beesha caalamka ay usoo jeediyeen hoggaamiyaasha Soomaaliya inay si deg deg ah ugu laabtan wadahadallada.