DAAWO:-Dulqaadkeena dayuusnimo ma ahayn

1219

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay kulan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu beeniyay in midowga musharaxiinta ay kala qeybsan yihiin oo ay ku kala jabeen taageerada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore dalka haatana ka mid ah musharaxiinta ayaa sheegay in in Midowga Musharaxiinta mabda’oodu uu yahay mid isku mid ah.

“Maalmahan borobagandada cayayaanka bulshada warka ay wadaan ee ah midowga musharaxiinta kala jaban taas wax ka jiro malahan, salaan buuxda ayaan ka wadnaa kuwa caawa halka ka maqan, inbadan dalka dibadiisa ayay jiraan kuwa joogo “labadii oday oo noogu wayneed” shaqo ayay noogu maqan yihiin qadiyada kuma kala qeybsanin waa isla ogolnahay, mabda’a doorasho inay ka dhacdo waan ka mideysanahay,dictatoriyad in laga hortago waa ka mideysanahay”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkiisa ayuu sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo qaaday doorashada dalka laga doonayo nooca ay tahay,

“Doorashada xor iyo xalaal ah waxa ay tahay wixii lagu heshiiyo in lagu dhaqmo wixii lagu heshiiyay hadday xumaadaan waa in aan ka hadalna, qofna inuu yiraahdo anaa diiday ima ahan.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Aqalka Sare waxa uu metelaa dowlad goboleed cilado badan ayaa ka jirey markii la soo dooranayay waxaan uga aamusnay in Maamul goboleed metelo, laakiin golaha shacabka qabaa’il ayay matalaan waxaa la rabaa in xildhibaanka xor yahay labo musharax oo reerkooda ku tartamay oo og reerka ay metelaan la soo doorto, laakiin wiil ama gabar la leeyahay oo nin leeyahay ma adigaa soo bixi lahaa, anaa ku soo saaray, anaa ku leh, reerkaaga kuma lahan, baarlamaanka dadka noocaas imaanaya dowladnimo ku dhismi mee dimuqraadiyanimo ku imaa mee,”ayuu sii raaciyay.

Taliyaasha ciidamada isagoo ka hadlayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inaysan ahayn kuwo xalay dhalay ah oo ay goobjoog ka ahaayeen dhibaatooyinkii dalka soo maray sanadihii la soo dhaafay, waxana uu ugu baaqay taliyaasha ciidamada in 27kii december wixii dhacay wax ha ka yiraahdaan, ciidankii ka dambeeyayn la iska warsado, ciidanka ha ka baxaan arrimaha socda,waxaa waaye farmaajo kuwa diidan diidmada ha joojiyo.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo in dhibaatooyin badan dalka uu geliyay waxan u harayna ay tahay inuu isagu istoogto.

“Farmaajo wax u haray malahan inuu isaga istoogtaa u hartay wax kaloo in isaga dagaal isu qaaday aan ahayn malahan, waa loo nasteexeeyay,meesha soo baneey hadii layiraahdo.”ayuu yiri Xasan Sheekh isagoo xusay in uu kuraacsan yahay dad badan oo ka hadlay kulankii xalay oo ku taliyay in Farmaajo uu baneeyo madaxtooyada kana mid noqdo musharaxiinta banaanka joogto,