DAAWO:- “Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena inay u hogaansamaan shuruucda dalka.”

104

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey awooda dowladda ee dhanka hawada iyo sababtii ka dambeysay amarro culus oo Hay’adda ka soo baxay maalmihii lasoo dhaafay.

Maareeyaha ee u waramay SNTV ayaa la weydiiyey sababta keentay Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai lagu amro inay Hargeysa raaciyaan magaca Soomaaliya, halka markii hore ay raaci jireen magaca Somaliland.

Wuxuu sheegay in diyaaradahaas ay ka soo dacwoodeen dadka Soomaaliyeed oo Website-kooda ku arkay magaca Somaliland oo dal madax-banaan ay ka dhigayaan, kadibna wuxuu sheegay in talaabadaan ay ka dhalatay.
“Madaxda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena cad iyo inay u hogaansamaan shuruucda dalka, waana u hoggaamsameen waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri.

Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa ku faanay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka oo sida uu sheegay ka weyn dhulka.

“Hay’adda Duulista Soomaaliya, waxay gacanta ku heysaa 100% hawada u dhaxeysa Hindiya, Yemen, Ethopia, Kenya, Sishalis, xuduudkeena dhulka hawo ka badan ayaan si buuxda u maamulnaa, sababtoo ah dowladda Hindiya toos ayaan isugu wareejinaa hagitaanka diyaaradaha, maadaama ay dhanka hawada xuduud kala leenahay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay 60% tahay bad, “40% kaliya ayaa dhul ah, intaas anaga ayaa maamulna waxaana ka soo saarnaa lacag, maadaama ay ka kireysan tahay diyaaradaha mara maalin kasta, hawada dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradii wax u dhibeysa gobanimada ama jebisa shuruucda Soomaaliya ay ka celi karaan hawada dalkeena, iyadoo aan la adeegsaneyn hub iyo wax lamid ah oo la adeegsanayo shuruucda caalamka.