DAAWO:-Everton Oo Bar-bar Dhac lagashay Man United +SAWIRRO

1702

Everton ayaa bar bar dhac kala soo laabatay Old Traford waxa ayna United kula soo hishiiyeen min hal gool xilli kooxda martida gool kale looga diiday Offside

United ayaa dhamaadkii nasiinada waxa ay hal gool ku nasiyeen Everton ka dib ciyaar dar dar laheyd oo kooxda Ole Gunner soo bandhigeen waxa uuna dhashay daqiiqadii 43-aad ka dib baas uu bixiyay Bruno waxaana gool u turjumay Martial .

United biloowgii iyaga ayaa xooganaa waliba kubad raacasho iyo  baasas ayay ku dileen Everton balse dhankooda waxaa ka maqnaa in ay abuuraan fursado xaqiiq ah.

Heerka kubad haysashada United waxa ay mararka qaar gaareysay %68 iyadoo ka hor goolkaan kaliya ay hal fursad ku abuureen goosha Everton waxaana u diiday goolhayaha.

Qeyibhii dhexe iyo dambe , Everton waa soo wacnaadeen waliba kiubado halis  ah ayay ku abuureen goosha United balse De Gea ayaa u diiday oo sameeyay bad baadooyin cajiib ah , waxa ayna Everton daafac ahaan ahaayeen kuwo wacan.

Kulankaan , United kaliya go`aaminta iyo  in sedex galka dambe si sax ah u gaaraan ayaa ka maqneyd balse sida kale waa ay wacnaayeen kubadana aiyaga ayaa haystay .

Soo laabashadii , United iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse ma jirrin wax halis gilin muuqata halka Everton daafac adag ay ciyaarayeen xilli rogaal celis-kana halis ku ahaayeen  xili United soo laabashadii soo giliyeen Ronaldo iyo Sancho oo loo saaray Cavani iyo Martial.

Everton , kubad deggan ayay ciyaarayeen rogaal celiskana waa amaciin badiyeen ilaa ay ku keeneen gool qurux badan daqiiqadii 65-aad waxaana saxiixay A. Townsend , waxa uuan macalin  Ole soo giliyay ka dib Pogba oo loo saaray Fred daqiiqadii 70-aad

Sidaas oo ay tahay United waa u dhawaanayeen gool balse  deg degsiimo ayaa dilaysay  balse maamulka kubadda iyaga ayaa haystay .

Dhamaadkii , United daafac ahaan  ma foojignmeyn qaladaad ayaa ka dhacayay ilaa lagu keenay gool sahal  balse Offside ahaan ayaa loo diiday

United wali8ba ayay u dagalaameen balse daafac adag ayaa wajahay