DAAWO-Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo u hanjabay Muuse Biixi

1834

“Ujeedka aan idinku yeedhay waxa weeye inaan ka fal-celiyo ama aan cabbiro aragtidda aan ka qabo Shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE ee beryahan ba la hadal hayay. Sidaad horeba Warbaahinta ugu sheegay waxaan Murashax u ahaa jagadda Guddoomiyaha KULMIYE, waxaan u caddaynayaa taageerayaashayda, taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo Shacbi-weynaha reer Somaliland-ba inaanan ka tanaasullin damacaygii iyo Hankaygii “Ma da’a furrin, damacayguna waa halkiisii”.

Shirweynaha 4aad ee la qaban qaabinnaayo ee Muuse Biixi u magacaabay Guddi qabanqaabo, isagoon cidna ka talo-gelin, wax waraaqo ah oo aan u gudbiyay oo ku saabsan Murashaxnimadayda ma jirto, sababta ugu waynina waxa weeye Shirkaas waxaan u arkaa mid u afduuban Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uma arko Madal xor ah oo loogu talo-galay in lagu tartamo, haseyeeshee waa meel iyo Munaasibad lagu doorannaayo Nin Doorran, markaa Ninka la dooranayaa waa Madaxweynihii dalka, waa guddoomiyihii Xisbiga, isagaa shirguddoominnaaya, isagaa ergooyinka soo xullaaya, isagaa Guddiga qaban-qaabadda magacaabaaya, dawladdiisa, Wasiirradiisuna way ka soo qayb-galayaan, markaa sawirka uu shirku leeyahay waa kaas, markuu kaas yahay waxaan go’aansadday inaanan ka qayb-gelin, ka dhex loollamin, kanna mid noqon Malxiis, Markhaati iyo kuwa ka Mushxarradaaya midnaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu Xisbigii KULMIYE cagta u saarray dhabo cagaag leh oo ku dhisan Kalitalisnimo iyo kalitoocsi, wuxuu ka duway Xisbiga KULMIYE tubtii u ku soo caano-maalay ee ku dhisnayd talo-wadaagga, isu tanaasulka, tudhaalaha iyo tawfiiqda, waxaannay Mabaa’diidii Xisbiga KULMIYE ay ku badalleen, looma baahnee ha iska tago hebel, siddaan u galay ma arkayseen, loo joojin maayo iyo wixii la mid ah.

Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka talaabsadday Xeerkii Xisbiga iyo hab-dhaqankii Xisbiga KULMIYE ee ku saabsannaa Madaxweyne la doortay innuu banneeyo jagadda Guddoomiyaha Xisbiga. Xisbiga KULMIYE waa Xisbiga kaliya ee yeeshay laba Guddoomiye iyo laba Madaxweyne. Madaxweyne Ahmed Siilaanyo markii uu noqday Madaxweynaha Somaliland 2010-kii wuxuu banneeyay jagaddii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, arrin uu iska jeclaadday oo Muuse Biixi kaligii lagu maamuusay may ahayn, arrin uu Muuse Biixi Xoog iyo Xeelad uu Axmed Siilaanyo kaga qaadday may ahayn, waxay ahayd is faham iyo Xeer ay reer KULMIYE gaadheen, Xeerkii noocaas ahaa maanta Muuse Biixi wuxuu Xisbiga gacanta ku hayaa isagoo saddex sano Madaxweyne ah, mudada intaas leegna baaddi ayuu ku ahaa Madaxweynaha, soomaalidu waxay tidhaahdaa “Ammaano kugu raagtay yaddaabaad mooddaa” Markii uu saddex sano afka la galayna Hanti uu leeyahay ayuu u qaatay, markaa Xeerkii iyo hab-dhaqankii KULMIYE u jiddaysnaa siddaas ayuu u burriyay.