Daawo: Fanaanka Maxamed Cirro oo ka hadlay Weerarkii loogu gaystay Hargeisa

1894

Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Maxamed Axmed cirro Bakaal ayaa ka Warbixiyey Hanjaabada iyo Weerarka loo gaystay, iyadoo Xubno horay uga hadlay Arintiisa ay sheegeen in Somaliland lagu Cunsuriyeey.

“Weerarka la igu soo qaadya wuu jiray, waana wax cad, waxaanu wada soconay Cabdiraxmaan Caydiid, Balse ilaa hada ma Xaqiijin karo cidii ka dambaysay Weerarka, Dadku Erayo Caadifadaysan bay ku hadleen, Hay’adaha amniga ayaa howsha loo gudbiyey.” Ayuu yiDHI

Wuxuu u mahad celiyey dadka taageerada u muujiyey ee ka Xumaadya Gefka loo gaystay “Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, Hargeisa waa magaaladaydii, aan ku dhashay kuna dhaqmay “,

Ugu dambayntii maxamed Bakaal ayaa ku baaqay in la kala saaro, Fanka iyo Siyaasadda oo uu sheegay inaysan meel-wada gelin.

Weerarka iyo Hanjabaad uu la kulmay ayaa lasheegay inay ka dambaysay kadib markii Fanaanka Maxamed BK laga Baajiyey Bandhigii Nairobi, iyadoona dad arintaasi ka cadhaysan ay Beegsadeen Fannaan Cirro oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jigjiga.