DAAWO:-Farmaajo Oo Furay Kal Fadhiga Shanaad Ee Baarmaanka Somaliya

1626

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Maanta ka hadlayey furitaanka kala fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda uu marayo dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn ka hadlay Arrimaha Amniga ayaa sheegay inuu dalka ku jiro xaalad adag oo u baahan in laga saaro dalka iyadoo taas loo marayo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay inay dowladiisa horumar wanaagsan ka sameysay dhanka isbadalada Ciidamada, gaar ahaan Ciidamada Xoogga, Booliska iyo Sirdoonka si loo dajiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah looga hortago halista Argagixisada.

Wuxuu Madaxweynaha soo hadal qaaday arrimaha Mushaarka Ciidamada, isagoo Golaha shacabka hortiisa ka sheegay inay Ciidamada Mushaarkooda u bixiyaan si joogto ah marka laga reebo ciidamo aan weli lagu soo darin nidaamka cusub ee mushaar bixinta Ciidamada Dowladda ayna arrintaas hadda mareyso meel gabagabo ah.

Madaxweynaha ayaa ku faanay inay Dowladiisa labadii sano oo ay xilka heysay ku guuleystay kor u qaadista Dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in sare loo qaaday 30% lana rajeenayo in sanadka dambe intaas laga sii kor mariyo.

Wuxuu Xukuumadda ku amaanay inay hirgeliyeen hindiso sharciyeedyo badan oo la hor geeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey inay jiraan shakhsiyaad hor taaggan horumarka la doonayo in Soomaaliya la gaarsiiyo sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha, isagoo sheegay inaysan Shacabka Soomaaliyeed niyad jabi doonin isla markaasna aysan dhageysan doonin hadalada lagu niyad jabinayo.

Madaxweynaha ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyey shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ugu horeysay ansixinta Hindiso Sharciyeedyo badan iyo kuwa kale oo hadda laga sugayo inay ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa xusay inay Al-Shabaab ku jiraan Xaalad hooseyso isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caari sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xusay in Shabaab hadda si weyn uga liitaan sidii ay ahaan jireen 10 sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqay in Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dowladda diyaar u tahay qancinta Somaliland iyo in looga garaabo dhibaatada ay tabanayaan si loo helo Soomaaliya oo mideysan.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Debadda ee dowladiisa ayaa sheegay inay asaas u tahay in xiriir wanaagsan lala yeesho dhammaan dowladaha Caalamka si looga shaqeeyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay farxad u tahay in kala fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la furo iyadoo uu isfaham ka dhaxeeyo Dowlad Goboledyadad iyo Dowladda Dhexe.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyey geeridii dhawaan ku timid Wasiirkii Dastuurka Xoosh Jabriil kaasoo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabt, wuxuuna ku ammaanay inuu ahaa shakhsigii suurtageliyey dhameystirka Dastuurka ay ku shaqeyso Dowladda.