DAAWO:-Farmaajo oo lagu buuqay xili uu khudbad ka jeedin rabay Baarlamanka

1645

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey.

Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu oriyey.