DAAWO-Farmaajo oo qiranaya inuu kufashilmay doorasho qof iyo cod

1485

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falanqeynta Siyaasadda ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeedeed ee dalka, Amniga iyo doorashooyinka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay dedaal xoogan ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.

Waxa uu aad uga sheekeeyey caqabadaha soo wajahay doorashada Soomaaliya inay noqoto mid qof iyo cod ah isla markaana uu tanaasul dheeri ah muujiyey.