DAAWO:- Farmaajo oo qirtay inuu 5000 ciidan geeyay Ereteria

612

Madaxweynihii hore ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wareejiyay feylka xogta 5000 oo Askari oo kamid ah Ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu tababaray dalka Eritrea.

Maxamed Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa xusay in Ciidanka tababarkoodu soo dhamaaday bishii 6-aad ee sannadkii hore ee 2021dii. Balse loogu soo celin waayay dalka xiisadda siyaasadeed ee kacsaneyd iyo doorashooyinka dalka.

“Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh, 5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya, waxa aan dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka”.