DAAWO:- Farmaajo oo saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka

1650

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal oo hore, kaasi oo hadda noqonaya sharci qaran oo dhaqan-gal ah.

Madaxweynaha ayaa sharcigan ku hor saxiixay munaasabad lagu soo xirayey kal-fadhiga 6-aad ee baarlamanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay madaxtooyada.Sharcigan ayaa waxaa horey usoo ansixiyey Aqalka Sare, oo meel-mariyey labadii Febraayo iyo Golaha Shacabka oo ansixiyey 28-kii December.

Sharcigan ayaa waxaa qodobada ugu weyn ee ku jira ka mid ah in xildhibaanada golaha shacabka ee 2020 ay soo doortaan shacabka, ayada oo la marayo nidaamka qof iyo cod ah, oo ka dhacaya deeganadooda.

Waxaa sidoo kale, sharciga uu dhigayaa in madaxweynaha jamhuuriyadda ay soo dooraan doonaan labada aqal ee baarlamanka, si waafaqsan qodobka 89-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.