DAAWO:-Farmaajo & Rooble oo ka heshiiyey khilaafkii u dhexeeyey +SAWIRRO

1097

Madaxweyne Maxaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeeda.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahaim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku raaceen qodobadan.

1- In ayada oo la eegayo dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, ay madaxda isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxaana madax goboleedyada loogu baaqay inay deg deg u billaabaan doorashada golaha shacabka.

2- Inay si buuxda u wada shaqeyeaan hay’adaha amniga dalka, si loo sugo amniga doorashada loogana hortago kooxaha argagixisada.

3- In wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa, oo aanay waxba iska beddelin.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- In Yaasiin Farey uu ahaado sii-hayaha xilka taliyaha NISA, inta uu Farmaajo kasoo magacaabayo taliye cusub oo lasoo marsiinayo Golaha Wasiirada, si ay u ansixiyaan.

6- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amniga inay u fududeeyaan baaritaanka kiiska.

7- Madaxda waxay u mahad-celiyeen madaxweynaha Lafta-gareen Cabdicasiis Lafta-gareen oo gacan ka gaystay heshiiska.