DAAWO:- Farmaajo uma Haysano Dambigii uu gaystay Siyaad Barre

1785

Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa xilli uu maanta ka hadlayey fadhiga golaha waxa uu sheegay in xasiiqii ka dhacay gobollada waqooyi ee Somaliland aan dusha laga saari karin Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kahadalka arintaas ay ku fogaatay saxaafadda Somaliland, isla markaana ay haatan ka badbadinayaan.

“Waxaad moodaa saxaafadeena iyo dadkeena in ay aad ugu fogaadeen, Farmaajo looma heysto dembiyadii halkan ka dhacay, wax luga oo uu kulahaana ma aysan jirin, balse waxaa loo aaneynayaa dowladdi hore ee Soomaaliya ayaad dhaxashay, laakiin bogsiinta iyo soo dhaweynta ayuu wax ku leeyahay” ayuu yiri xildhibaan Jirde.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in haatan Farmaajo aan loo aaney karin Maxamed Siyaad Barre ayaad la dhalatay “Waa gef waana khalad, hadii aan u aaney heyno Maxamed Siyaad intii la dhalatay, nin la yiraa Maxamed Sheekh oo halkaan isbitaalka ka dhisay eega, Maxamed Siyaad-buu la dhashay, marka taasi waa gef cad ee halaga daayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa dadka iyo mas’uuliyiinta reer Somaliland ugu baaqay in lagu ekaado waxa laga tirsanayo xukuumadda maanta uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee aan dusha laga saarin wixii horay u dhacay “Iyadoo loo aaneynayo waxii in ina adeerkii geystay”.