Daawo Farmaajo wuxuu si kalitalisnimo leh ugu tuntay dastuurka dalka

1418

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hogaamiyaan madaxdii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray eedeyn ay ujeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen caasimadda Muqdisho ayay ku eedeyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “inuu si joogto ah ugu xadgudbo dastuurka, u abuuro jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf dabadheeraaday isla markaaasna uu ragaadiyey howlihii barlamaanka.”

“Madashu waxa ay u aragtaa mas’uuliyad darro iyo kaligii talisnimo in dalku uu xukuumad la’aado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina uu gacanta ku urursaday Madaxweynaha si uu dano shaqsi ugu fushado.”ayay Madashu sheegtay.

Indheer-garadka, dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay u istaagaan badbaadinta dalka.