DAAWO:-Faroole oo Dhaliilo Culus u jeediyey DFS

1762

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa sheegay in dastuurka federaalka uu u ogolaanayo maamulada in ay si gaar ah u maamushaan arrimaha bulshada sida tacliinta, Wuxuuna soo jeediyey in la xurmeeyo dastuurka.

Faroole Wuxuu Xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay dhaqaalaha dalka u adeegsaneyso “kala furfurka” dowlad goboleedyadda dhismay. “Awooda waxbarashada meesha laga fuliyo Soomaaliya oo dhan waa Puntland, taas cid inkiri kartaa ma jirdho.. maamulada kale waxaan ugu yeereynaa in ay ka shidaal qaataan. dowlada federaalka waa inay ku dayato meesha looga fiican yahay ma ahan in ay kala furfurto,” Ayuu yidhi Faroole.

Nidaamka federaalka ayuu ku nuux-nuux saday in uu yahay midka kaliya ee Soomaaliya isu soo dhowaan karto, Isagoo cuskanaya dastuurka, wada-xaajood ayuu hoosta ka xariiqay in uu yahay habka lagu wada shaqeyn karo laguna xalin karo ismaandhaafka.

Senator Faroole ayaa ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin” xadgudub ay xukuumada federaalka ku sameyso gobolada, Wasiirka Waxbarashada federaalka ayuu ku waaniyey in uu u hogaan-samo heshiisyadda ay kala saxiixdeen Puntland iyo xukuumadihii hore, oo ku saabsan shahaadaha iyo deeqaha waxbarashada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ka codsaday inuu soo farageliyo xiisadan isla markaana uu wax ka qabto.