DAAWO:-Faysal Cali Waraabe oo ku Hanjabay inay Garoowe Qabsan doonaan

1740

Gudoomiyaha Xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu Qabtay magaalada Hargeisa, ayaa ka Jawaabay hadal kasoo yeedhay Wasiiru Dawle ka tirsan DFS oo Shirkii Garoowe ka sheegay in looga baahan yahay Puntland inay soo Ceshato gobolada ka Maqan.

Wuxuu ka dhaliilay dadkii Shirkaasi ka Qayb galay, wuxuuna Tusaalle usoo Qaatay Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.

Dhinaca kale Faysal ayaa wuxuu ku Hanjabay inay Garoowe Qabsan doonaan Hadii aysan Joojin Colaada iyo duulaanka ka dhanka ah Somaliland , Sida uu hadalka u dhigay.

“Ballan waxaan ugu qaadnay Hadii ay Garoowe Joojin waydo Colaada, Inaynu iska dhigno Waxbarashada oo Garoowe aynu Qabsano, Hanjabaad ayay Naftii nooga jareen, Mar waxay imaanayaan Tukaraq, Marna Badhan Waxaa ballan ah inaan Tuulooyinka ay magaalooyinka dhigeen aan dhulka la sino” Ayuu yidhi Faysal Waraabe.