DAAWO Faysal Cali Waraabe oo ladoonayo in laxiro

2203

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo warbaahinta kula Hadlay Hargeisa, ayaa ka digay Dacwad laga Gudbiyey Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Iyadoona Xadhig loo diyaariyey Faysal Cali Waraabe.

“Rag aad ka badisay Doorashadii Lagaama filaynin inaad Xidho, Lama arag Madaxwayne Xidha Madaxwayne la tartamay, waxaan leeyahay Mucaaridku inay tilmaamaan xaq ayay u leeyihiin” .

Isagoo ka hadlaya Dacwadda ay Gudoomiye Faysal kasoo gudbiyeen Qoyska Muuse Biixi ayuu yidhi “Hadii la yidhi Qoyska Madaxtooyadda ayay kasoo Fushay arintaasi, waxaan leeyahay Qoysna ma Xidhi karo Qoys kale, Dhibaatada ka dhalata way Adkaan Doontaa Arintan”. Ayuu yidhi Suldaanku.