Daawo Faysal Cali Waraabe oo ugu baaqay Siciid Deni in uu eryo Axmed Karaash

1619

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta wariyayaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland & kuxigeenkiisa, isagoo sheegay in uu la safan yahay Madaxweynaha Deni.
Waraabe oo inta badan ka hadla arrimaha siyaasadda ee Somaliland kala dhaxeeya dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey in ay faragalin ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliland, wuxuuna si lamid ah sidii todobaadkan Madaxweynaha Puntland u sheegay warbaahinta uu sheegay in ay DFS faragalin kuhayso Somaliland.
Mr, Waraabe ayaa mar uu ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya madaxda Puntland, wuxuu sheegay in Siciid Deni looga baahan yahay in uu soo eryo Axmed Karaash, isagoo sheegay in ay dhankooda soo eryi doonaan Baashe Max’ed Faarax oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland.
Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi: “Madaxwayne Deni hasoo eryo Axmed Karaash waxa uu la mid yahay Baashehan na dhex fadhiya”taas oo muujinaysa in ay labada dhinacba hadda isku aragti isku dhaw qabaan, gaar ahaana Madaxtooyada Puntland & Somaliland.