DAAWO:- Faysal Waraabe “Dadkii waxay u yaaceen Muqdisho”

2042

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta Kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in dadkii Aqoonyahankaa ee wax usoo bartay deegaanada Somaliland ay Shaqooyin ka helaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Waxaa maanta inoogu daran waa Aqoon daro, Dadkii wax bartay waxaa Qaadatay Muqdisho, Inagu ma Qorano, Inagu Aqoon uma jeedno, waxaynu u jeednaa Reer Hebel iyo yaa Xisbi ah”. Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Faysal Cali Waraabe Wuxuu dhaliilay Hogaanka Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu yidhi “Hadii uu Hogaanku Xumaado, Sharcigu wuu Xumaanayaa, Madaxnimo waa loo dhashaa Lama Cidhiidhsado, hadaad Cidhiidhsato waad Fashilmaysaa, waa tan maanta taagan”.