DAAWO Fiqi oo weeraray mucaaradka

28

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa ka fal-celiyay weerar afka ah oo Dowlada kaga yimid dhanka Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo si gaar ah u weeratay Madaxweynaha Somalia.

Rooble wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xassan sababtii uu u burburey shirarkii wada-xaajoodka ee u socday labadodoa dhinac.

“Markii hore Xasan Sheekh waa naga aqblay inuu ka laabto wax ka badelka Dastuurka laakiin Koox yar oo isaga la tashto ayaa ku yiri haka laaban”ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble

Sidoo kale wuxuu sheegay kooxdaasi ku xeeran Madaxweynaha iyo isaguba ay isla qaateen fikir ah inay doorashada boobaan , mudo kororsio maaxweynuhu sameysto islamarkaana ay meesha ka saaraan wixii heshiis Dowlada iyo mucaaradka geli lahaayeen.

Sidoo Rooble wuxuu ka dhawaajiyay in Madaxweyne Xassan uu isaga ku yiri hadiiba Farmaajo oo aan u dhalan Muqdisho uu isku dayay inuu xukunkiisii iska heysto in isagoo reer Muqdisho ah uu xukunka iska heysan karo.

Rooble wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xassan inuu Soomaaliland ku hayo burbur ,sidoo kalana uu diiday inuu la heshiiyo Maamulada Puntland iyo Jubaland .

Dhanka kale Wasiir Fiqi oo u jawaabayay Rooble ayaa ku tilmaamay nin inta badan maskaxdiisu maqan tahay,wuxuuna su’aal geliyay asalkiisii hore sababtii loogu xushay inuu Ra’iisulwasaare noqdo.

Fiqi wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday hadalo Kheyre uu kaga hadlayay in dastuurka lagu xad-gudbay isagoo tilmaamay in markuu Ra’iisulwasaaraha uu ahaa uu saaxiibkii C/raxmaan C/shukuur maalin cad ku weeraray gurigiisa ,wuxu sidoo kale Wasiirku ku eedeeyay Xasan Cali Kheyre inuu Xarunta Baarlamaanka ku weeraray Jawaari Allha u naxariistee qasabna uu kaga qaaday xilka Gudoomiyaha sida uu warka u dhigay.