DAAWO FULL VIDEO Waraysigii Jawaaari

1996

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dalka aanay ka dhici karin doorasho qof iyo cod, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dadka si khiyaali uga hadlaya in doorasho qof iyo cod ka dhici karto dalka.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Dalsan TV ayuu sheegay in farsamo ahaan iyo waqtiga haray uu adkeynayo in doorasho qof iyo cod la qabto, iyadoo aanay wax iska bedelin dhaqanka siyaasadeed ee hada dalka ka jira, gaar ahaan haddii aanay isku soo dhowaan dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

“Doorasho qof iyo cod Soomaaliya sideedaba dalka kama dhici karto yaa laguugu sheekeyn waa kalaam faaruq ah, Farsamo ahaan haddaa u fiiriso waqtiga haray waxaa sii adkeynaya haddii aanay waxba iska bedelin dhaqan siyaasadeedka hada jira dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada oo aanay isku imaan ayada shaki ayay gelineysaa, annaga 2016-dii waxaa sameynay gacanna inay doorasho ku dhacdo, gacanna waxaa ku ilaalineynay in aysan firaaqo dhicin, hadda wada shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xagee doorasho lagu qabanayaa, cirka maa lagu qabanayaa”ayuu yidhi Guddoomiye Jawaari.