DAAWO Full Video Wareesigii Dhoobo Daareed

1713

Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey,isaga oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas.

Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal ayuu ku sheegay in Puntland ay xiligaan Gacanta u gashay kaligii Taliye,sidoo kalena Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ay Maslaxadii Ummadda ka doorteen Lacag iyo laaluush sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlayey ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ku socoto wadadii bur burka hadii wax laga qabana arintaasi ay Dadka uu matalo ka tashan doonaan Aayahooda.

Mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Saddex Beelood kaliya ay isku koobeen Hoggaaminta Maamulka Puntland.

HALKAN KADAAWO WAREESIGA DHOOBO DAAREED