Daawo: Gaadiid dagaal oo nooc cusub ah oo lagusoo bandhigay Muqdisho

136

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socda dabaal-deg wayn oo aan caadi ahayn, kaas oo lagu xusayo maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu xusayo sanad guurada 64-aad ee maalintan qaran ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Sidoo kale waxaa la xiray waddooyinka halbowlaha ah ee caasimada oo lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo hakad-geliyay dhaq-dhaqaaqa.
Ciidamada ayaa gaadiidka iyo dadka ka celinaya waddooyinka muhiimka ah, si ay u sugaan amniga inta uu socdo dabaal-degga xuska kowda Luulyo.

Waxaa kale oo ay ciidamadu sameynayaan bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaas oo ka socda taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, waxaana halkaasi lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamo oo dhuulatus sameynaya.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Hambalyo Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.” ayuu yiri taliyaha Xoogga oo qayb ka ahaa calan saarka xalay ee kowda Luulyo

Munaasabadan waxaa ka horreysay midda 26 June oo iyana horay loogu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sanadkan ay dowladda u diyaar garowday si ka duwan sanadihii hore.