DAAWO:-“Gaal ayaa loo dhawaanayaa, waana lawada Gaaloobayaa“

258

Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka FS Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa wacad ku martay iney Golaha shacabka ka ansixin doonto sharciga jinsiga oo horey Golaha shacabku diiday in laga doodo lana ansixiyo.

Hadalkan ayey ka jeedisay maanta Munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu daah durayey ololaha 16ka maalmood ee caalamiga ah oo ujeedkiisu yahay u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga kaasoo ay wado Qaramada Midoobay.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in sharcigaas uu ilaalinayo xuquuqda dumarka, aysana ku jirin qodobo ka hor imanaya diinta Islaamka.

“Gaal ayaa loo dhawaanayaa waana lawada Gaaloobayaa inkaartuna idinka ayey idin heysataa, Haddii aadan Ilaaheey ka baqeynin sharciga Gaalada ayaan isla aadeynaa in Gaalada loo dhawaado maxaa u diideysaan hadii aadan igu ilaalineyn Aayada Qur’aanka” ayey tiri Xildhibaanada.
Waxay dhaliisha qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo ay ku eedeeysay iney marin habaabinayaan ilaainta xuquuqda dumarka.

“72dii firqo ee uu nebigu sheegay iney muslimiintu u qeybsami doonaan aya hadda lagu jiraa, kuwa shiikhyada sheeganaya shiikh ma wada aha, waxaa shiikh ah midka aniga i badbaadiya oo Al-shabaabka iga celiya. sharciga islaamkana igu dhowra” ayey tiri Xildhibaan Sacdiya.

Rag joogo Canada iyo Ingriiska ayay sheegtay iney u soo hanjabeen “Waa rag la yaqaano oo soo fariisto baraha bulshada, safaaradahooda halkan jooga ayaan ku dacweyn karnaa., kuwa Wariyeyaal isku sheegaya ayaa buunbuuninayo Khawaarijta Walaahi inaan lagu badbaadeen Dibada”ayey intaas ku dartay.