DAAWO:-Gabadhayda ninka qashay wuxuu ahaa nin aan qaraabo nahay

84

Cabdi Macalin Nuur Qorane oo ah Aabbaha dhalay Deeqo Macalin Nuur Qorane oo lagu dilay magaalada Nairobi, ayaa sheegay tuhumanaha loo qabtay dilka gabadhiisa in ay aqoon ka dhaxaysay isaga iyo gabadhiisa.

Aabbahan oo ku nool Wajeer ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay, in gabadhiisu ay ninkaan ugu tegi jirtay gurigiisa, wuxuuna sheegay inay ka dhigan jirtay qof qaraabo la ah maaddaama sida uu Aabbuhu sheegay ay isku qabiil yihiin.

Cabdi Macalin Nuur Qorane wuxuu aaminsan yahay in ninkaan uu yahay gacan ku dhiig laha gabadhiisa dilay, wuxuuna sheegay inay jawaab ka sugayaan laamaha dambi baarista Kenya oo gacanta ku haya maydka gabadhiisa oo cad cad loo jarjaray, welina aan si rasmi ah loo aqoonsan karin.

Aabbahan wuxuu sheegay gabadhiisa oo ahayd 27 jir inay ahayd gabadh uu tacab badan ku bixiyay si ay wax u barato. Wuxuu tilmaamay inay dhawaan ka baxday jaamacad kutaala Kenya, iyadoo baratay dhaqtarnimo.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in Haashim Dhaqane oo horey loogu xiray dilka saddex haween ah oo Soomaali ah uu ku lug leeyahay dilka haweeneydan afaraad.

Booliiska ayaa sii daayay caddeymo la xiriira Haashim oo gacmaha ku wata bac loo maleynayo inay ku jiraan hilbaha maydka Deeqo.

24kii October ayaa la waayay gabadhan, waxaana booliisku uu sheegay in Kaamerada laga helay Haashim iyo marxuumadda oo kuwada sugan hal dhisme ah, taasoo sii xoojisay tuhunka ku saabsan inuu isagu dilay.