DAAWO:- Gabadho Tiktokers ah xabsi 6 bilood ah lagu xukumay

140

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo kamid ah dhalinyarada isticmaalaha baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn xukun kasoo saartay dacwad loo heystay gabdhahan oo caan ka ahaa barta TikTok, waxaa kamid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Zona.

Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer-ilaalinta guud ee qaranka.

Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay min 6 bilood oo xabsi ah, halka 2 qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.