DAAWO:-Gabar iyo Wiil walaala ah oo si arxan darra ah loogu dilay duleedka Muqdisho

1038

Warar dheeraada h ayaa kasoo baxaya carruur walaalo ah oo Saaka Meydkooda laga helay duleedka Muqdisho, kadib baadi goob saaacdo qaatay oo ehelka carruurtaasi ay sameeyeen, inkastoo ugu dambeyntii lahelay iyagoo Meyd ah.

Meydka labada Carruur ayaa laga helay Tabbeelahha Sheikh Ibraahim, halkaasi oo laso dhigay igaoo mayd ah, waxaana Eheladu ay sheegeen in Xalay loo diray adeeg, kadibna lawaayay, ka hor inta aan la helin iyagoo Meyd ah.

Warar hoose oo aynu ka helnay Eheleda Carruurta la dilay ayaa waxaa ay sheegayaan in falka dilka ah looga shakisan yahay Adeer Qabay Hooyada dhashay Labada Carruur oo kala ah Wiil iyo Gabar.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta falku ka dhacay waxaana la sheegay in ay xabsiga dhigeen Adeerka laTuhunsan yahay in uu ka dambeeyay dilka carruurtaasi.

Waxaa la sheegay in haatan uu socdo baaritaan dheeraada ah oo lagu sameynayo Tuhunsanaha Carruurta Adeerkod ah ee lasoo xiray.

Dadka degaanka ayay arrimtani layaab ku noqotay, waxaana ay sheegeen in dhacdooyinka noocaas ah ay degaanka ku cusub yihiin, naxdinna ay ku noqotay, falkaasi arg-gaxa leh e lagula kacay Wiilka iyo Gabadha walaalaha ahaa, ee la dilay.