DAAWO:-Gallan oo uhanjabay Ciidanka PSF

1106

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ka xun yihiin inuu diidan yahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda Ciidanka PSF Puntland inuu wareejiyo Xafiiska.

Wasiir Gallan ayaa sheegay in Ciidanka PSF ay yihiin Ciidan dowladeed oo uusan qof laheyn, loona baahan yahay in Maxamuud Cismaan Diyaano xilka wareejiyo. Sidoo kale Gallan ayaa amray Ciidanka PSF in aysan qaadan amarka Agaasimaha xilka laga qaaday, sidoo kalena ay ku jiraan xeradooda.

“Dhamaan ciidamada PSF ee Boosaaso jooga waxa la farayaa in aysan xerada kasoo bixin, gadiidkana sidoo kale, Xilku waa meerto, Maxamuud Cismaan waxaan leeyahay yaan dhalinyaranimo ku qaadin, Anagu waxaan u dhaaranay difaaca Puntland, cidna ka yeeli mayno in ay Amniga Khalkhal geliso.” Wasiir Gallan.