DAAWO:-Galmudug Oo diyaarisay Ciidamo Ladagaalama Al-Shabaab +SAWIRRO

679

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan koonfurta Gobolka Mudug.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay Sarkaalka oo la hadlay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor socdaal ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku dhawaaqay in dowladda bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowlad Goboleedka Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto dagaalka  ka dhan ah Al-shabaab ee uu Madaxweynaha sheegay in dowladda Federaalka ay bilaabeyso.