DAAWO:-Galmudug oo Jawaab kulul ka bixisay Weerar Xalay ay Ciidamada Nisa kuqaaday Cadaado

1649

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay howlgal gaar ah oo Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ay xalay kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Cadaado oo aheyd Caasimaddii KMG aheyd ee fadhiga u aheyd Madaxda Galmudug.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo Wariyeyaasha kula hadlayay Gaalkacyo ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ee qeybta 21aad ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyada Cadaado.

Waxaa uu sheegay in aanan lagu soo wargelin sababta weerarkaas iyo inay la wareegaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in iyadoo ku fashilantay amniga Muqdisho inay u gudubtay in maamul goboleedyada ay qalqal geliso.

“Waa nasiib darro in dowladda Federaalka oo amnigii dalka ku fashilantay, isla markaana Muqdisho aan arkeyno in maalin walba qaraxyo ka dhacayaan inay haatan u gudubtay maamul goboleedyada inay qalqal geliso oo xarumahooda ay weerareyso, waxaa uga digeynaa Ciidamada sida xoogga ah ku galay meeshaas, in wixii docuementi aan ugu nimaano oo aanay agabyada meeshaas yaalla ku xadgudbin”ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu amar ku bixiyay in Ciidamada Daraawiishta ay heegan buuxa galana, ayna ka feejignaadaan cid kasta oo madax banaanidooda ku xadgudbeyso.

Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ayaa xalay la wareegay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidamo deegaanka, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan sababaha ay ciidamada ula wareegeen.