DAAWO:-Galmudug oo Puntland kala wareygtay gaadiid dagaal oo dekeda Bosaaso uga xayirneed

958

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Calin Fiqi ayaa xukuumadda Puntland kala wareegey 10 gaari iyo hub loogu talagalay ciidanka dowlad goboleedka Galmudug oo duulaan ka dhan ah Alshabaab ka wada Koonfurta gobolka Mudug.

Wareejinta gaadiidkaasi oo muddo ku xanibnaa dekedda Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, agaasimaha guud ee amniga Puntland, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur.

“ Maanta waa maalin taariikhiya waxaan halkan ku wareejin 10 gaari oo isugu jirta 8 gaari oo nooca dagaalka ah qoryahooduna saaranyihiin, booyad iyo Gaariga gurmadka Caafimaadka oo aan ugu talagalnay in qayb ka noqdaan Dagaalka lagula jiro Argagixisada Alshabaab ee Deegaanada koonfurta Mudug looga xoraynayo insha allaah waana ka guulaysan doonaa gurmadka Puntland intaa kuma eka wuuna socon donaa “ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug oo goobta ka hadlay.