DAAWO:- Galmudug Sida loodoortay Gudoomiyaha iyo madaxwayne kuxigenka

2339

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee garabka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ku doortay guddoomiye baarlaman iyo madaxweyne ku-xigeen.

Xildhibanada Garabka Xaaf ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug u doortay Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, halka guddoomiyaha baarlamanka loo doortay Xareed Cali xareed oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa horey u sheegay in muddo xilleedkiisa aysan dhammaan, sidaas darteed ay Baarlamaanka Galmudug dooran doonaan madaxweyne ku-xigeen, halka uu isaga sii ahaan doono madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan shaaciyey inuu wakaalashada kala noqday wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu markii hore u wakiishay doorashada Galmudug kadib markii uu sheegay in Dowladda ay ku fashilmatay dhismaha Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa hadda u muuqda inuu u kala jabay seddex qeybood, qeybta koowaad oo ah garabka Dowladda, Qeybta labaad oo ah Garabka Ahlu Sunna iyo Madaxweyne Xaaf oo saldhigtay Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay doorashada Galmudug, wuxuuna ujeedka yahay in Galmudug madaxweyne looga dhigo qof ay iyada wadato, si ay uga hesho dano siyaasadeed oo ay ka leedahay maamulkaas marka la gaaro soo xulista Xildhibaanada Federaalka.

Ahlu Sunna ayaa rabta inay awood weyn ku yeelato maamulka Galmududg, iyagoo ku doodayo inay dhiig usoo daadiyeen nabadeynta Gobolka Galgaduud oo ay kula dagaalameen kooxda Al-Shabaab.

Halka Madaxweyne Xaaf lasoo sheegayo inay Dowladda Soomaaliya uga baxday ballan qaadyo lacageed oo lagu heshiiyey markii uu wakiilanayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Lama saadaalin karo halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Maamulka Galmudug oo hadda mugdi sii galayo, waxaana Maalinta Axadda ah loo ballansan yahay inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug garabka Dowladda Soomaaliya.