DAAWO:-Ganacsatada qaadka oo sheegay inay joojiyeen Qaadka Kenya

1777

Ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojinayaan qaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya, iyagoo garab istaagaya dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyay inay joojinayaan qaadka, si ay ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay inay u wareegayaan dalka Itoobiya, si Qaadka uga soo dhoofsadaan.

Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya.

Lama oga in go’aankan ka soo baxay Ganacsatada Qaadka inuu yahay mid guud, hase ahaatee Ganactsada Qaadka ayaa isugu jira dhowr qeybood oo ah qeyb toos Qaadka uga soo dhoofsada Kenya iyo kuwa ka sii iibsada.