DAAWO:-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo u jawaabaya Muuse Biixi

229

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah bahda dhaqanka Beesha Dhulbahante ayaa sheegay in Muuse Biixi uu been sheegay, isagoo meeshana ka saaray inay jiraan salaadiin la soo xidhiidhay bahda dhaqanka ee Dhulbahante, taasi oo uu maanta Muuse Biixi Hargaysa ka sheegay.

“Muusoow Been baad sheegaysaa , Ma Jirto Salaadiin nala soo xidhiidhey oo Yagoori shir wadahdal nooga furmayo , Laascaanood Inaad uga aarsato Wixii ka dhacay Hargeisa 1988 Oo Somali u dhamayd anaga diyaar baan u nahay inaad Somali darteed uga aarsato waanuna qaadi karnaa dhibka Somali loo wado, Wax wada hadal ah oo bilaabmanayaa ma jirto illaa Ciidamadaada aad ka saarto Laascaanood” ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Garaadka oo ka hadlaya hadal Muuse Biixi ka soo yeedhay oo uu ku sheegay inay tudhaale usameeyeen ciidamadu magaalada Laascaanood ayaa yidhi. “Muuse wuxuu yidhi Laascaanood ayaan u Tudhay, Tudhaale aad Laascaanood ula hadhey ma jirto , Xasuuqii iyo dagaalkii Laascaanood aad ka gaystay waanu haynaa , Somalina waad ogtahay ,Taariikhda way kuu gashey waana lagula xisaabtami” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Muuse Biixi oo maanta ka hadlayay munaasibad uu ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in ay ergo salaadiin ah udirayaan magaalada Laascaanood, kuwaasi oo uu sheegay inay kulan ka dhacay yagoori ay kula kulmid doonaan garaadada Dhulbahante.