DAAWO: Garyaqaan Mubaarik Aar oo lagu xiray Hargaysa

73

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder ee magaalada Hargeysa Garyaqaan Mubaarik Aar ayaa halkaas loogu xiray ka dib markii uu ka soo horjeestay aqoonsiga dhexmaray Israel iyo Somaliland

Mubaarik Aar ayaa sheegay in dastuurka Somaliland uu qabo in sharciga Islaamku yahay kan kaliya ee lagu dhaqmi karo sidaas darteed aan Israel xiriir lala yeelan karin.

Booliska Somaliland ayaa sheegay iney saacadihii la soo dhaafay xirxireen dad badan oo ka soo horjeestay aqoonsiga Israel, kuwaasoo ay sheegeen iney maxkamad soo taagayaan.

Maamulka Somaliland ayaa bilaabay inuu caburiyo dadka ka horjeestay xiriirka ay la yeelaneyso Israel, waxaana la aaminsan yahay in talaabadan ay qaaday ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin bulshada ku dhaqan woqooyiga Somalia oo qaarkood uu u cuntami la yahay heshiiskaas.