Daawo:- Gen Shub oo Muqdisho ku xiray ciidamo kasoo cararay furimaha dagaalka

36

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay askar ka tirsan ciidamadeeda oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. 

  

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan “Shub”, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loo diray dagaalka ay si fuleynimo ah uga soo baxsadeen aagga hore, kadibna ay kusoo laabteen Muqdisho. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay falkaas mid ceeb ku ah askartaas, sida uu hadalka u dhigay. 

  

Taliye Shub ayaa xusay in askartii la qabtay lagu xiray xabsiga dhexe ee Xamar, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. 

  

“Rag isku mid ma aha, goobta dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Kuwa fuleyda ahaa ee ka soo cararay jiidda hore annaga Muqdisho kuma dayn, waanu soo qabanay, waaran ayaana u jarnay, xabsiga ayaana ku shubnay,” ayuu yiri. 

  

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in weli ay baadi-goobayaan askari kale oo baxsad ah, isla markaana la filayo in mar dhow la soo qabto. 

  

“Waxaa jira nin naga fakaday oo aan weli raadineyno, waana heli doonnaa, isaguna wuxuu geli doonaa Gaal Shire,” ayuu yiri Taliye Shub. 

 

Dhanka kale, taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ammaan u jeediyay askarta kale ee weli ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga qayb-qaadanayaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka. 

  

Maalmo kahor ayaa Muqdisho laga sagootiyay ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo loo diray furimaha hore si ay uga qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna garab siiyaan ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ku jira. 

  

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Booliska ayaa iyana lagu daray safka hore, si ay u xoojiyaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib usoo abaabulaan. 

  

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalladii u dambeeyay, iyagoo xoreeyay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulka HirShabelle. 

  

Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro badan oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay maydadka qaarkood.