DAAWO:- Golaha Wasiirada Somaliland oo lagu dhawaaqay + Magacyada

109

 

Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan CabdullaahI Maxamed (Cirro) ayaa maanta shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban illaa 48 xubnood oo isugu jiro wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal, waxaana warbaahinta la wadaagay Aadan Deyr oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha oo isna saaka uun la magacaabay.

Wasiirada la magacaabay ayaa inta badan laga keenay Xisbiga Waddani ee ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee looga adkaaday Muuse Biixi.

Wasiirada muhiimka ah ee la magacaabay ayaa waxaa kamid ah:-

1-Cabdalle Maxamed Carab wasiirka amiga gudaha

2-Xasan Axmed Ducaale wasiirka dowladaha hoose

3-Yoonis Axmed Yoonis wasiirka Cadaaladda

4-Cabdullaahi Xasan Aadan wasiirka maaliyadda

5-Cabdiraxmaan Daahir Bakaal wasiirka arrimaha dibadda,

6-Dr Xuseen Bashiir Xirsi wasiirka caafimaadka

7-Xuseen Axmed Cyadiid wasiirka howlaha guud,

8- Khadar Xuseen Cabdi wasiirka madaxtooyada

9- Cali Jaamac Faarax wasiirka kalluumeysiga

10 Maxamed Yuusuf Cali wasiirka gaashaandhigga

11- Eng Axmed Jaamac Barre wasiirka tamarta

12-Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi wasiirka qorsheynta

13-Cismaan Ibraahim Nuur wasiirka gaadiidka

14- Prof Ismaaciil Yuusuf Duaacle wasiirka waxbarashada

15-Abuubakar Cabdiraxmaan wasiirka biyaha.

Cirro ayaa magacaabista golihiisa wasiirada ku saleeyay aqoonta ay uleeyihiin wasaaradaha kala duwan ee loo magacaabay, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxdsay xafiiskiisa.

Magacaabistan ayaa kusoo aaadeyso, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Cirro si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha Somaliland.

Xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqay ayaa waxaa looga fadhiyaa isbedallo waa wayn oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xiisadaha ka jira deegaannada Somaliland.