DAAWO: Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley oo degmo loo aqoonsaday

175

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Max’uud ayaa dikreeto ku soo saaray in ku aqoonsaday saddex degmo oo cusub kuwaasoo ka mid noqonaya gobolka Banaadir

Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa intaas ku daray in Degmooyinka aqoonsigaan ku helay kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay.