DAAWO:- Guddida dhexdhexaadinta Somaliland oo gacanta kataagay

416

Guddida isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada ee u dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland, ayaa dhinacyada is khilaafsan ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan, oo ay masuuliyad iska saaraan xalinta khilaafka.

Guddidu ugu horayn labada guddoomiye ee wakiilada iyo guurtida ee arrinta dhexdhexaadinta ku jiray ayay usoojeediyeen in ay dadka u sheegaan halka ay ku danbaysay arrintii dhexdhexaadinta ee ay kaga yimaadeen.

Waxay madaxweyhaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi usoojeediyeen in maadaama oo uu isagu yahay masuulkii ugu sareeyay isla markaana wanaag iyo xumaan wixii soo baxaa uu masuuliyad ku leeyahay in uu masuuliyad iska saaro xal ka gaadhista khilaafka doorashada.

Xisbiyada mucaaradka ayay sidookale usoojeediyeen in madaama oo ay doonayaan in ay Somaliland madax ka noqdaan in ay xaalada dajiyaan oo ay sameeyaan waxkasta oo heshiis iyo daganaansho lagu gaadhi karo.

Bulshada ayay sidookale ugu baaqeen in anay ku dhex milmin dhinacyada doorashada isku haya, isla markaana ay nabad dooda ilaashadaan.

Waxay sheegeen in heshiis la gaadhi karo, isla markaana waxay waxgaradka Somaliland ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan xal u helista khilaafka siyaasadeen.