DAAWO:-Guddiga badbaadinta oo Yuusuf Xasan Mursal u doortay Gudoomiye

1973

Guddiga ay dhawaan magacaabeen golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee loogu magac-daray ‘Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka’ ayaa kulankoodii ugu horreeyay oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen waxay ku doorteen guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen, xoghaye iyo afhayeen.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 28-qof, waxayna guddoomiye u doorteen Yuusuf Xasan Mursal, halka guddoomiye ku-xigeena ay u doorteen Cabdullahi Maxamed Aadan.

Sidoo kale xoghayaha guddiga badbaadinta doorashada dalka ayaa loo doortay Cabdifitaax Maxamed Dhicis, halka Afhayeenka guddigana loo doortay Cabdullahi Cabdi Maxamed

Afhayeenka iyo guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay musharaxiintu ku dhawaaqeen ayaa markii la doortay kadib warbaaninta la hadlay, waxayna balan qaadeen inay si hufan u guda doonaan howlaha hor-yaalla.

Doorashada uu maanta qabsaday guddigan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta ay doorasho kale Muqdisho ku qabsadeen xubnaha guddiga lagu muransan yahay ee xalinta khilaafaadka ee heer federaal, kuwaas oo doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Doorashada Soomaaliya ayaa haatan leh laba guddi oo ay soo kala magacaabeen muxaafidka iyo mucaaradka, waxayna haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya u muuqataa mid cakiran.