DAAWO:-Guddiga doorashooyinka heer fedaral ayaa soosaaray habraaca doorashada golaha shacabka JFS

1002

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray hab-raaca lagu maamulayo doorashooyinka aqalka hoose ama golaha shacabka ee dhicidoonta horraanta bisha 9-aad.

Hab-raaca doorashada aqalka hoose oo saldhig looga dhigay heshiisyadii hirgalinta doorashada heer Federaal, ayaa lagusoo bandhigay hannaanka loo marayo soo xulista ergada doorashada.

Guddiga doorashada wuxuuu adkeeyay in odayaasha dhaqanku yihiin kuwa leh awoodda ugu sarraysa ee soo xulaysa ergada.