DAAWO: Guddigii Baydhabo ku shiray oo shaaciyey qodobadii ay ku heshiiyeen

1220

Guddi ka socda dowladda federalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa war rasmi ah ka soo saaray kulamo uga socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddiga oo warbaahinta kula halday magaalada Baydhabo ayaa waxa ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen qodobadii looga hadlay shirka gaar ahaan arrimaha gobolka Gedo, guddiga doorashooyinka, sababaha ay u fuli waayeen qodobadii lagu heshiiyey 17 Sep 2020 iyo arrimo kale.