DAAWO:-Guddoomiye Mursal,”Ra’iisul Wasaaruhu kama hadli karo wax doorasho ah

1407

Guddoomiyaha xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ka diidey inuu barlamaanka ka horjeediyo khudbad qusaysa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kulanka barlamaanka Soomaaliya uu kaliya quseeyo waxqabadkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isla markaana aysan u imaan kulanka ka hadalka doorashadada dalka iyo muddo kororsi dowladeed.

Waxa uu sheegay in barlamaanka Soomaaliya uu horay go’aan uga gaarey arrimaha doorashada uuna saxiixay heshiiskii doorashada oo ay fulintiisa ka dhawrayaan dowladda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

“Barlamaanku wuxuu ansixiyey heshiiskii arrimaha doorashada, anagu waxaan aaminsan nahay mas’uuliyaddaasi waxaa qaaday DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah inay fuliyaan heshiiskii 17 Sep, wax kaloo doorasho ah ha ahaato middii laga soo guurey ee qof iyo cod ama mid kale Ra’iisul Wasaaruhu halkaan kama sheegi karo” ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.