DAAWO:-Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

1633

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo uu xilka ka qaaday Yuusuf axmed hagar (Yuusuf Dabageed).

Xilka qaadista guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku eedeeyay inuu doonayo in uu lunsado dhaqaalaha laga ururiyo shacabka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada maamulka Hirshabelle Afhayeenka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayuu ku aqriyay wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka loogaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hore sidan oo kale xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan loogaga qaaday.

Halkan hoose ka daawo Afhayeenka Hirshabelle oo saxaafada u aqriyay xilka qaadista Yuusuf Dabageed;