DAAWO:-Guddoomiyihii Xarardheere oo diiday xilka qaadistii Qoor Qoor

96

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Cabdibile iyo ciidan uu ku qabsado Xarardheere, balse beesha Sacad ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere.

Ciidamada deegaanka beesha Sacad, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya, beesha Saruur oo guddoomiyaha degmada iska leh ayaa labo u kala jabtay.

Sidoo kale beesha Saleebaan oo Axmed Qoor Qoor uu ka dhashay ayaa Xarardheere geysatay hub culus, waxaana mar kasta khatar loogu jiraa inay halkaas ka bilowdaan isku dhacyo sokeeye, iyadoo ay Al-Shabaab doonayaan inay dib u qabsadaan degmadaas.