DAAWO:- GUDOMIYIHII GOBOLKA MUDUG OO KA HOR YIMID XILKAQAADIS LAGU SAMEYAY

1667

Guddoomiyihii gobolka Mudug ee xilka qaadista lagu sameeyay Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa markii u horeysay ka hadlay wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha maamulka Galmudug ee Sabtidii la soo dhaafay xilka looga qaaday.

Guddoomiye Cartan ayaa sheegay in aysan sharci aheyn shaqa ka eryida lagu sameeyay, isagoo tilmaamay inuu wali yahay Guddoomiyaha saxda ah ee gobolka Mudug, maadaama sida uu yiri uu Madaxweyne Xaaf xliligan awood sharci u heysan inuu qof xil ka qaado ama magacaabo.

Mr C/rashiid Xaashi Cartan waxa uu doodiisa sal uga dhigay in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle( Xaaf) uu gaba gaba yahay Muddo Xileedkiisa, halka bil ee ka harsanna aanu sharci aheyn tallaabo kasta oo uu qaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa 8-dii bishan Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug u soo magacaabay C/raxmaan Cali Diiriye, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Cartan oo xilka soo hayay tan iyo 8-dii bishii November sanadkii 2015, xiligaas oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

C/rashiid Xaashi Cartan ayaa noqonaya Gudoomiyihii 2aad ee gobol, kaasoo diida xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweyne maamul goboleed, iyadoo maalin ka hor wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Waare xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, hase ahaatee uu ka hor-yimid xil ka qaadistaas, sharci darana ku tilmaamay.