DAAWO:-Gudoomiye Cabdi Xaashi “Somaliland waxa ay dishay dad shacab ah oo banaanbaxayay”

176

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Cabdi Xaashi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii Banaanbaxyada ku dhintay oo ay toogteen ciidamada Somaliland

“Maamulka Somaliland Waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo Banaanbax dhigaya in Xabado lagu furo oo la dilo waa wax laga xumaado waana in la joojiyaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxaa uu sheegay waxa ka socda magaalada Laascaanood ay yihiin kuwo aana la aqbali karin oo sababi kara iney halkaas ka qarxaan dagaalo sokeeye oo uu sheegay in la soo arkay khasaarahooda.

Dad ka badan 10 qof ayaa lagu dilay, tiro intaas ka badana wey ku dhaawacmeen dibed baxyo rabshado wata oo muddo ku dhow todobaad ka socda magaalada Laascaanood, waxaana dadku ka cabanayeen dilal ku soo batay magaaladas

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyay Dagaalka dalka looga sifeynayo Al-shabaab ee ay ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga Macawisley ka wadaan dalka.