DAAWO:-Gudoomiyaha degmada Luuq oo ku baaqay in carabka laga jaro Ikraan tahliil hooyadeed

1544

Guddoomiyaha Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo Cali Kadiye ayaa ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA xili uu ka qeyb galayey shir ka dhacay degmadaas

Cali Kadiye ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay tahay Gabar Soomaaliyed, kana xun yihiin dhibaatadii ku dhacday, balse waxaa uu sheegay inaan la aqbali karin in kiiskeeda loo dumiyo dowladnimada.

“Ikraan waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Luuq, Aabaheed ayaa ka shaqeyn jiray halkan, waan ka xunahay wixii gaaray, ciddii gaarsiisayna Allah ayaa kula xiisabtamayo,” ayuu yiri Cali Kediye.

Guddoomiyaha degmada Luuq ayaa sheegay in Ikraan aysan ka qiimo badneyn dowladnimada Somalia.

“Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraan qabaa” ayuu sii raaciyey.

Waxaa uu sheegay ineysan jirin sabab Madaxweyne Farmaajo loogu eedeeyo kiiska dilka Ikraan “Farmaajo ayaa dilay haddii ay dhahaan oo ay ku soo caddeystaan waa rag,” ayuu yiri mar kale guddoomiye Cali.

Dhinaca kale Guddoomiye Cali Kediye ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’isul Wasaare Rooble wax la yiraahdo ma naqaan mana aqoonsanin, anaga waxaa nahay reer Gedo cid aan ka cabsaneyno malahan, haddii uu Rooble faraha nala soo galo waan naqaan sidaan uga keeno waan idinku soo qaldamay ee raali ahaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cali oo Hadalkiisa uu u muuqday mid aan miisaan laheyn.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo Cali Kadiye ayaa si kulul uga soo horjeestay waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo oo sheegay in hadalkaas uu yahay mid ay ka muuqato masuuliyad daro iyo colaad hurin.