DAAWO:- Gudoomiyihii Degmada Badhaadhe oo dowlada isku dhiibay

54

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Maxamed Ibraahim Fanax ayaa noqday mas’uulkii labaad ee ka baxa garabka Axmed Madoobe, wuxuuna si toos ah ula saftay dowladda federaalka Soomaaliya.

Fanax oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada u dhow oo ay dowladda Soomaaliya gaysay ciidamo fara badan, wuxuuna sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidamadaasi, si ay u sugaan amniga, ugana hortegaan weerarada Shabaab.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in buuxaan booska ay banneeyn ciidamada howlgalka ATMIS oo faarujiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

“Aniga ayaa ka codsaday DFS in meelihii ay ka baxeen ATMIS in ay buuxiyaan ciidamada Xoogga dalka, wayna nooga jawaabeen,” ayuu yiri guddoomiye Fanax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Runtii waan ka xumahay ciidan markii hore loo waayay meelihii loogu talagalay in uu buuxiyo, hadane markii la helay wax buuxiyo in lasoo duulo”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Badhaadhe ay kamid tahay degmooyinka kale ee dalka ee ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada federaalka waxa ay joogaan gobolka Gedo, gobolka Jubbada Hoose, sida Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley, Badhaadhane waxay kamid tahay Soomaaliya” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiye Fanax waxaa ka horreeyay oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo isna toos ugu soo wareegay dhinaca dowladda, wuxuuna shalay isaga oo wata ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ka dagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Si kastaba, Jubbaland oo arrintan ka xumaatay ayaa xilalkii ka qaaday labada mas’uul, si ay uga jawaato tallaabada dowladda oo kal fur furis ku hayo maamulka Axmed Madoobe.