DAAWO:-Gudoomiyihii Gedo oo diiday in xildhibanada Ceelwaaq la aqoonsaday

972

Waxaa soo jawaabay xubnihii xildhibaanada sheeganayey ee lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo filan waa ku tilmaamay go’aankii uu galabta gaaray guddoonka golaha shacabka.

Guddoonka golaha shacabka ayaa go’aamiyey in xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwa afarta sano ee soo socota baarlamaanka ku meteli doona gobolka Gedo, halka xubnihii Garbahaarey aan waxaba laga soo qaadin.

Axmed Buule Maxamed oo ka mid ah xubnihii lagu soo dhisay Garbahaarey ayaa sheegay in go’aanka guddoonka baarlamaanka ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye iyo dad la shaqeysta.

Wuxuu ku af-gobaadsaday in go’aanka soo baxay ay u maleynayaan in Guddoomiye Aadan Madoobe uusan waxaba ka ogeyn, isagoo hadii uu wax ka ogyahay ka codsaday in awooda dowladnimada uusan ku dulmin metelaada shacabka reer Gedo, sida uu hadalka u dhigay.